Home / COVID 19 / Tallaalka Covid-19: 90% waxa uu ka hortagayaa in ruuxu qaado coronavirus

Tallaalka Covid-19: 90% waxa uu ka hortagayaa in ruuxu qaado coronavirus

Himilo – Tallaalkii ugu horreeyay ee tayeysan ee coronavirus, waxa uu  90% ka hortagi karaa in qofku ku dhaco cudurka covid-19, sida ay muujineyso natiijada tijaabo la mariyay dad ku sugan dalalka Mareykanka, Germany, Brazil, Argentina, Koofur Africa iyo Turkiga.

43,500 oo tijaabadaasi maray laguma arag calaamado muujinayo inuu tallaalku leeyahay dhinac taban, sida ay  qortay BBC-da.

Shirkadaha Pfizer iyo BioNTech oo horumariyay tallaalkan ayaa natiijadaasi la gaaray ku tilmaamay “Maalin ku wayn cilmi Seyniska iyo aadaminimada”, iyaga oo xusay inay tahay in dabayaaqada bishan-ba loo adeegsado dadka waayeelka ah iyo kuwa kale ee difaaca jirkoodu liito.

Taasi waxey ka dhigan tahay in tiro yar ay sanadkan heli doonto tallaalka Covid-19, balse shirkadaha ku howlan ayaa qorsheynaya inay soo daayaan 1.3 bilyan oo dose waxa lagu gaaro dhammaadka sanadka 2021-ka, waxaase ruuxii loo ogol yahay  inuu qaato kaliya laba dose.

Inkastoo dadaalo xoogan ay soconayaan haddan ma jiraan illaa iyo hadda tallaal amaba dawo loo helay cudurka Covid-19, marka laga soo tago hab raacyada ay dejiyeen dowladaha oo looga gaashaamanayo inuu ku dhex faafo bulshada.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan