Home / Macluumaad / Talo kaddib go’aanso inaad jebiso tarmuuskaaga

Talo kaddib go’aanso inaad jebiso tarmuuskaaga

Muqdisho – Tarmuusku wuxuu ka samaysan yahay caag ama macdan korka ku dahaaran iyo labo dhalo oo lakab isku ah oo dhexyaala caloosha. Labada dhalo waa kuwa lakab isku ah oo dhexdoodu banaantahay oo xitaa hawada laga saaray si uusan u lumin kulka ama qabawga lagu shubay.

Tusaale nuuca shaahiga karinta kaddib lagu shubo waa mid loogu talagalay in uu ilaaliyo kulka dareeraha lagu shubayo si loo isticmaalo xilliga baahidu timaad. Tiiyoo aan ka wada dheragsanahay in cabista shaahiggu nagula yaqaan oo ay maragna kaaga tahay sida aan u rukumanay aroortiin iyo casirliiqii.

Hayeeshee waa dhawaan dhalad inagu cusub in Dad badan ay ka shakiyaan shaah tarmuus lagu shubay kaddib markii ay waxa taqaatiirtu ku tilmaameen ishaaco lagu baahiyay baraha bulshada taas oo hadal heynteeda gashay badi guryaheenna.

Waxa ay noqotay mid saf mar ah oo ay dadku ku jajabiyeen tarmuusyo ay in muddo ah isticmalayeen, taas oo saameysay meelo badan oo dalka ka mid ah.

Suurtogal ayay dad badan la noqotay arrintan soo ifbaxeeda, waxa ayna go’aan ku gaareen qaarkood ineysan dib dambe u adeegsaneynin oo ay keliya ku koobnanayaan Xiliga Kirliga ama jalmada lagu soo kariyob shaahiga.

Saabiriin oo ka mid ah shaqsiyaadka ka aamin baxay tarmuus ayaa tiri “Si aan u ogaado waxa ku jira Tarmuuska waxaan jebiyay mid ii yaalay guriga, markaas ayaan arkay iney waxa la sheegayo ku jiraan, dad badan ayaa diidanaa, hase ahaatee way ila qaateen kaddib markii aan tusay, hadda shaaha waxaan ku keydsadaa jalmadda kolkaan doono cabistiisana waan kululeystaa,”

Kuma koobna aragtidan Saabiriin oo keliya waxa la qaba dad badan oo uu ka mid yahay Cali Cumar oo tilmaamay iney Jalmada uun hadda ka isticmaalaan shaahiga.

Kala aragti duwanaanta waa mid jirta, inkasto arrintan bulshadu ku kala qeybsantahay,  waxa Fekrad ka duwan Sabiriin iyo Cali qaba,  Faadumo Yusuf iyo Muniiro Maxamed oo aan iyana la kulanay, Waa isku aragti keliya ku kala duwnaa weedha ay adeegsanayaan “Baraha bulshada facebuuga oo kale ayaan ka arkay aniga waan ka soo horjeedaa, sababtoo ah waxaan u jeedaa inay labo dhalo kala celinayaan, hadduu kaniini ahaan lahaa waxa uu dhib naga soo gaari lahaa sanooyinkii aan istimaalaynay tarmuusyada”.

“ Ma jiraan inta aan ka war qabo saameyn caafimaad darro oo ay keenaan Tarmuusyada, wararka la sheegayana waa kuwa ku kooban baraha bulshada” Dr Abdalla Osmaan Naaji oo aan wax ka weydiinay qaddiyadaan ayaa sidaan inoogu war celiyay

Si guud; Waa mid ka mid ah hadal heyn saameysay bulshada oo kala fogeysay tarmuusyada shaaha iyo isticmaalayaashoodii qaar oo rumeystay in saameyn caafimaad ay ku yeelaneyso noloshooda.

Waa Caadyaal inta bulshadu u nugushahay Xogaha aan laheyn tixraac lagu kalsoonaan karo iney soo ifbixi karaan waxyaabo badan oo ka duwan arrintan.

Qore: Mohamed Qadar Abdi Mohamed

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan