Home / Arrimaha Bulshada / Talooyin la gudboon arday walba oo Jaamacad ku jira

Talooyin la gudboon arday walba oo Jaamacad ku jira

1: Ha sugin shahaadada si aad shaqo ugu raadsato, suuqa isgee adiga oo jaamacadda dhigta, tusaale sawirkaaga oo qof xirfadle ah u eg barahaaga bulshada ku isticmaal, magacaaga oo si saxan u qoran iyo warbixintaada shakhsiyadeed inta aad rabto in lagugu aqoonsado waa muhiim sidoo kale wax ka qor maadada aad baratid, xiriir la yeelo dadka shaqadaadu ku xiran tahay. Tusaale barahaaga bulshada isku day in aad kula saaxiibto, is-iibintu maaha istustusnimo

2: Inta aad Jaamacadda dhigato baro sida arjiga loo qorto, loo isticmaalo emailka iyo sidoo sida loo bookhdo website-yada shaqada lagu xayisiiyo. In aad shaqo codsato lacag kuguma aha, mar walba oo aad codsato waa marwalba oo khibrad kaaga kororto. Shahaadadu shardi uma aha codsiga.

3: Xasuusi dadka kugu xeeran/ asxaabtaada inta kaaga dhimman Jaamacadda, mar walba oo aad ogaysiiso dadka in aad soo dhaw dahay waa mar walba oo fursadduna kuu sii badato. Waan soo dhawahay micnaheedu waa boos ii banneeya.

4: Ka qaybgal bandhigyada, xafladaha iyo madalada dadka aqoonta leh isugu yimaadaan, dhis shabakaddaada laakiin dad tayo leh ku dhis, tayada dadka aad ku xiran tahay ayaa qaabeeya mustaqbalkaaga. Tusaale marka aad bandhigyada ka qaybgalayso u ekow qof abaabulan labbiskaaga iyo qaab fadhigaaguba wax weyn ayay ku soo kordhindoonaan shakhsiyaddaada. Qof xirxiran ha noqon, su’aal waydii, jaamacadda aad dhigato iyo simistarka aad tahay sheeg.

5: Jaamacadda kaliya ha isku hallayn, xirfadaha fudud waxaa ay yaallaan internetka, ki xirnow website-da bixiya koorsooyinka sida Coursera, EDX, future learning IQK. Maanta xirfaduhu waa aas-aaska shaqada, cidna kuma waydiinayso shahaadada haddii aysan xirfadi la socon, Kumbuyuutarka, fagaare ka hadalka iyo xirfada xiriirku waa u muhiim suuqa shaqada.

6: Ugu danbeyn akhlaaq iyo dad la dhaqan wanaagsan la imow, dadka ha isku dhajin hana iska tuurin, isqor ha noqon, sidoo kale ha isla waynaan. Dadku ayaga oo hanti ah, haddana dad baro inta aad is leedahay qof walba afka ha la galin, dhacdhaca badan waa liidasho

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan