Home / Macluumaad / Talyaaniga oo aysan danbi ka aheyn in qofku uu cunto xado waase hadii uu baahanyahay.

Talyaaniga oo aysan danbi ka aheyn in qofku uu cunto xado waase hadii uu baahanyahay.

Maxkamad ku taala dalka Talyaaniga ayaa go’aamisay in uusan qofku wax danbi ah laheyn haadii uu xado cunto yar marka uu baahanyahay oo gaajo ay hayso waxaase shardi looga dhigay in cuntada aysan dhaafsiisneyn cunto hal qof uu qaadan karo .

Maxkamadda ayaa qiil uga dhigtay arrintaasi in cuno la’aan uusan qofna noolaan karin marka uu qofku gaajeysanyahayna uu xaq u leeyahay inuu cunto qaadan karo si uu u badbaado.

waxa ay cadeysay maxkamaddu in qofku uu xadi karo cunto yar oo naftiisa uu ku badbaadin karo , arrintaana aan loo arki karin qalad sidaasi u sii weyn sida ay tilmaameen wargeysyada dalka Talyaaniga ka soo baxa.

Go’aanka maxkamadda waxa uu ka danbeeyay oo uu la xiriiraa markii Roman Ostaryakof oo ahaa nin u dhashay Ukraine uu  Talyaaniga ku xaday cunto yar xilli uu gaajeysnaa sanadkii 2011.

Roman ayaa goob maqaayad ah ka xaday cunto yar oo qiimaheeda uu ku kacayay 4 dollar, durbadiina waxaa xiray booliska dalkaasi iyadoo mar danbe ay maxkamadi ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah .

Mar danbe ayay arrintu dood ka dhalisay Talyaaniga oo dad badan ay su’aal ka keeneen.

Gunaanadkiina Maxkamad Talyaaniga ku taala ayaa go’aamisay in xadista cunto yar aysan aheyn danbi sidaasi u sii buuran haddii qofkaba ay ku kalifto baahi daran.

W/D: Mahad Mohamed Ali

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan