Home / Habka-Nolosha / Talyaaniga oo garaacay Sweden si wareega xiga ee tartanka Euro uu isaga xaadiriyo

Talyaaniga oo garaacay Sweden si wareega xiga ee tartanka Euro uu isaga xaadiriyo

Xulalka Talyaaniga iyo Sweden ayaa isku farasaaray gegada Stadium Municipal cayaar ay u soo daawasho tageen 30,000 oo taageere dhexdhexaadiyana uu ka ahaa garsoore Viktor Kassai oo u dhashay dalka Hungary.
Cayaarta ka dhacday magaaladda Toulouse waxay qeybtii hore kusoo idlaatay barbaro goolal la’aan ah walow fursado ay labada dhinac soo mareen.
Zlatan Ibrahimovic oo horaan lix gool ugu dhaliyay qaranka Sweden 12 kulan uu metelay ayaa awoodi waayay saameyn muuqata inuu kulan cayaareedkaan ku yeesho.
In cayaartiisii labaad ee tartanka aanu gool dhalin awgeed Zlatan ayaa ku qasban inuu weli sugo ahaanshiyaha xiddiga keliya ee afar tartan oo Euro ah goolal ka dhaliyay, Cristiano Ronaldo ayaase kaga hormari kara iminka.
Eder ayaase goolka dhibcaha u sahlay xulka Talyaaniga dhaliyay daqiiqaddii 88aad ee kulanka.
Italy ayayna wax weyn u tahay in labadii kulan ee tartanka ay ka cayaartay ay guuleysatay iyadoo aan gool laga dhalin, waxayna iminka u soo baxday wareega xiga ee tartanka iyadoo lix dhibcood ku hogaamineysa Group E.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan