Home / Haweenka / Tanzania: Gabadh muslimad ah oo madaxweyne ka noqoneysa

Tanzania: Gabadh muslimad ah oo madaxweyne ka noqoneysa

Himilo – Samia Hassan Suluhu waa muslimad ka soo jeeda is-maamul hoosaadka Zanzibar oo dadka deggan 99% lagu qiyaaso muslimiin. Sannadkii 1960 ayay ku dhalatay isla Zanzibar halkaas oo ay ku billowday waxbarashadeeda aasaasiga ah. 1986 ayay ku biirtay jaamacadda Mzumbe iyadoo ka baratay maamulka dadweynaha. Darajada labaad waxay ka diyaarisay horumarinta dhaqaalaha bulshada.

Hay’adaha ay la soo shaqeysay waxaa ka mid ah qaramada midoobay, midowga Africa iyo ururo kale. Sannadkii 2010 waxay noqotay xubin baarlamaan oo ka tirsan dawladda Tanzania. 2015 waxaa loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka waddankaas.

Samia Hassan oo ah madaxweyne ku xigeen, waxaa lagu wadaa in loo caleemo saaro madaxweynaha Tanzania xilkaas oo ay hayno doonto ilaa 2025 sida uu qabo dastuurka dalka. Inay xilka la wareegto waxay timid kadib markii uu dhintay madaxweynihii dalka John Magufuli oo la sheegay inuu wadnuhu istaagay isagoo 61 jir ah.

Samia waa hooyo haysata saddex wiil iyo gabar. Caleemo saarkeeda kaddib waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horreysay ee Tanzania madaxweyne ka noqota hadana ka soo jeeda Zanzibar. Geesta kale waxay noqoneysaa haweeneydii labaad ee dal   ku yaala bariga Africa hoggaamisa, waxaa uga horreysay keliya Agathe oo ra’iisulwasaare ka noqotay Rwanda 1993-1994.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan