Home / Caafimaad / Tartamada kubbadda cagta iyo bisha soon

Tartamada kubbadda cagta iyo bisha soon

Himilo – Marka la gaaro bisha soon-qaad, magaalada Muqdisho waxaa kordha tartamada kubbadda cagta ee lagu qabto garoomada ciyaaraha ee degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb gala dhalinyaro u badan kuwa da’doodu ka wayn tahay 18-jir.

Waxaa ka mid ah garoomadaasi Caalami oo ku yaala degmada Dayniile, waxay ciyaar ku dhex mareysaa kooxaha FC Khaliifa iyo Gool. Waa ciyaar ka mid ah is-aragga groupyada.

Maxamed Iimaan Diini, waa madaxa salaxa ciyaaruhu ka socdaan, waxaa uu qabaa in xiiisaha ciyaartu ay ku xiran tahay hadba ciyaartooyada ay lasoo shir yimaadaan labada koox ee dheeleysa.

Ciyaartoyda da’da yar ee galab weliba halkan yimaada, tartanku waxa uu u yahay fursad ay kusoo bandhigi karaan xirfadooda ciyaareed, taasi oo ay suuragal tahay inay la dhacaan tababarayaal iyo maamuleyaal kooxeed oo iibsan kara mustaqbalka dhaw.

Gacal Eyman waa tabbaraha kooxda FC Khaliifa, waxa uu u sheegay radio Himilo in diyaar-garowga soo billaabeen kahor bisha soon si ay u hantiyaan koobka dhexyaal kooxaha kala duwan.

Kooxaha ku dheela salaxa Caalami ee Deyniile, waxay isaga kala yimaadaan daafaha magaalada Muqdisho iyo banaankeedaba, sida kooxda macallin Eyman oo ka timid degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Maxamed Iimaan Diini, ayaa ujeedka ciyaaraha ku sheegay mid dhalinyarada looga weecinayo isticmaalka balwada iyo ku mashquulidda waxyaabo aanan nacfi u lahayn.

Marka laga yimaado in ciyaaruhu isku keenaan ciyaatooy ku barbaartay xaafado kala duwan, waxey sidoo kale isdhexgal suuban u abuuraan xittaa daawayaasha oo ku barta qiimaha guusha iyo sida loo aqbalo guul-darrada.

In bishaan Soonqaad la qabtaana waxaa ay ahayd mid soo jirtay xittaa kahor intii aysan salaxyadu ka hirgalin caasimadda, oo waxaa xilliyadaasi lagu dheeli jiray garoomada yar yar sida Jibuuti iyo kuwa waa wayn ee Minshiibiyo iyo istaadiyumka Muqdisho.

 

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan