Home / Macluumaad / Tartanka Qooleyda Shiinaha

Tartanka Qooleyda Shiinaha

Himilo – Waxaa markiisii ugu horreeysay la qabtay tartanka qooleyda intii u dhaxeysay sanadihii 1368 illaa 1644, balse sanadkii 1912-kii ayaa la hakiyay, iyadoo maamulkii xilligaasi ka jiray Shiinaha uu ka baqayay in dadka lacagta ka sameeya ay afganbiyaan.

Ma jirin illaa laga soo gaaro sanadkii 1930-meeyadii markaas oo dib looga billaabay magaalada Shanghia. Degmo walibana laga aas-aasay ururo mideeya kuwa xanaaneysta qooleyda doonayana inay ka qeyb noqdaan tartankaasi.

Tartamayaasha ayaa qooley ku dhaw 400,000 keeya halka uu ka dhacayo tartanka, halkaas oo muddo bil ah ay ku carbiyaan kooxo loo tababaray, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka ururka qooleyda Shiinaha.

Maalin waliba inta uu soconayo tartanka qooleeyda Shiinaha, gaari shabaq qeybta danbe looga ekeeysiiyay konteenar, ayaa afarta aroornimo lagu soo xareeyaa qooleey, kaas oo markii uu ka fogaado caasimadda Bijiin 200KM laga soo fasaxo tartamayaasha.

Qooleyda waliba waxey beegsataa hooygeeda, halkaas oo ay ku sugaan kooxo callaamadiya oo diiwaan galiya waqtiga ay ku timid, xogtaasi ayaan loo gudbiyaa qaban-qaabiyeyaasha.

Guuleystayaasha ayaa lagu la shaaaciyaa, iyada oo xogtooda la marinayo Internet-ka, markaas oo la guddoonsiiyo bilado, iyada oo sidoo kalena kuwooda dheereeya ay iibsadaan dad maalqabeenno ah.

Tartanka qooleyda Shiinaha ma aha oo kaliya ciyaaro dhaqameed, balse waxaa sidoo kale laga sameeyaa dhaqaale, iyada oo tartamayaasha kusoo baxa la guddonsiiyo lacag gaareysa $760.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan