Home / Madadaalo / Telefishin u gaar ah Eyda oo hawada soo galaya

Telefishin u gaar ah Eyda oo hawada soo galaya

Himilo – Telefishinka Eyga, waa warbaahin cusub oo ka shaqo billowday waddanka UK isla markaana loo gaar yeelay afar lugoodlaha la rabbaayadeysto.

Hirgelinta muuqaal baahiyahan waxay timid kadib saddex sano oo la waday cilmi baaris cilmiyeed oo lagu tijaabinayay waxyaabaha xiiso geliya Eyda.

Barnaamijyada laga baahiyo Tv-gan waxay hoos u dhigi doonaan werwerka Eyda. Sidoo kale milkiileyaasha waxay ka caawin doonaan sidii ay u daryeel u siin lahaayeen Eydooda.

Intii lagu jiray Karoona dalal reer galbeedka waxaa kordhay dadka guryaha ku haysta noolahan. Muddo kadib waxaa lagu laabtay shaqooyinkii, taas oo keentay inay Ey badan ku keliyoobaan guryaha.

Ujeedadu telefishinkan loo shaqo geliyay waxay tahay in  hab dhaqanka Eyda la wanaajiyo isla markaana kor loo qaado is fahanka kala dhaxeeya dadka leh.

Midabada, codadka iyo muuqalada Tv-ga waxaa la waafajiyay waxyaabaha ay ka helaan Eyda. Cilmi baarayaasha waxay sheegeen inay ku dareemi doonaan raaxo iyo deganaan.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan