Home / Habka-Nolosha / Thailand: Degmo qofka iska tallaala COVID-19 la siinayo sac

Thailand: Degmo qofka iska tallaala COVID-19 la siinayo sac

Himilo – Maamulka degmo ku taalla waqooyiga Thailand ayaa billaabay olole bakhtiyaa nasiib ah, kaas oo dadka laga tallaalo COVID-19 ay ku guuleysanayaan sac toddobaad kasta.

Bulshada ku nool  degmada Mae Chaem ee gobolka Chiang Mai ayaa nasiib u yeeshay tallaal iyo bakhtiyaa nasiib qofka la xusho lagu siinayo sac qiimahiisu joogo 10,000 baht ($319).

“Tirada loo diiwaan geliyay tallaalka waxay ka billaabatay boqollaal haddase maalmo gudahood waxay gaartay kumannaan,” sidaas madaxa degmada ayaa u sheegay Reuters.

Qorhaha ayaa looga dan lahaa in dadka tallaalka xiiso loogu yeelo. “Dadka degaanka way jecel yihiin lo’da. Lo’da waxay ku gadan karaan lacag caddaan ah.”

Qaar ka mid ah gobolada kale ee Thailand ayaa la yimid halabuurro kale, sida in la siiyo dadka is tallaala dahab, lacag iyo in qiimo dhimis gaar ah loo sameeyo.

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan