Home / Macluumaad / Thailand – Nin guursaday 120 xaasas

Thailand – Nin guursaday 120 xaasas

Muqdisho – Godadlenimada waa sharci-darro gudaha dalka Thailand, hayeeshe taasi kama joogsan Casanova inuu 120 xaasas guursaday, dhalayna 28 carruur. Waxa qeyrul-caadiga ah waa in dhammaan xaasasku ay is wada garanayaan.

Tambon Praset, guddoomiyaha degmada Phromee, gobalka Nakorn Nayok – 90 km u jirta Bangkok, waxaa dhawaan lagu qabsay inuu qirto 100 haween ka badan inuu guursaday, kadib markii warbaahintu heshay ilo aan la shaacin.

58-jirka ah siyaasi iyo ganacsade leh shirkad dhismo, wuxuu warbaahinta xubno kamid ah kusoo dhaweeyey aqalkiisa si uu ugu iftiimiyo nolosha qoyskiisa. Mar la weydiiyay haddii ay dhab tahay inuu guursaday 100 haween ka badan, Praset wuxuu ku war celiyay: “Waxaan guursaday 120 haween, waxaana ii jooga 28 carruur – gabdho iyo wiilal isugu jira.”

Hayeeshe tiradaas kuma guursan karo sanado kooban. Prasert wuxuu sheegay inuu guursiga ku bilaabay da’da 17 jirka.

“Guurkayga koobaad waxaan jiray 17 sano,” ayuu yiri. “Afadaydii ugu horreysay waxay iga yarayd 2 sano, waxayna ii dhashay saddex carruur ah. Markaas kadibna, waxaan kusii socday guursiga. Badi xaasaskaygu waa gashaantimo da’da 20-jirka ka yaraa. Majecli dumarka waaweyn – waxay kuula dhaqmayaan si buuq badan.”

Markii uu noqday milkiilaha shirkad dhismo, Tambon wuxuu kusii dhaqaaqay caadadiisa, wuxuuna meel walba oo uu guri ka dhisaba ku guursaday gabar. “Degmo kasta oo aan guri ka taago, waxaan ka guursada gabar,” ayuu yiri. “Waan jeclahay dhammaantood. Iyaguna way i jecel yihiin.”

Mar kasta oo uu gabar guursanayo, wuxuu u sheegaa inuu xaasas badan soo guursaday. Wuxuuna sida dhaqankooda yahay uga doontaa gabadha reerkeeda. Sidoo kale, xaasaskiisa ayuu u sheegaa inuu guursanayo. 22 kamid ah ayaa hadda kula nool degmadiisa – halka inta kalana ay ku kala nool yihiin gebi ahaanba Thailand.

Daryeelka 120 reerood ma ahan mid fudud. Balse taasi waxay ku qaadatay noloshiisa oo dhan inuu ku qanciyo. Wuxuu xaasaskiisa ka caawiyaa dhibaatooyinka heysta. Xittaa kuwa aan lahayn guryo ay ku hoydaan, wuxuu u dhisaa guryo.

Laakiin waxa xiisaha goonnida ah leh waxay ahayd xaaskiisa cusub, Nam Fon oo 27-jir ah, taas oo dhinaciisa fadhisay markii uu warbaahinta uga sheekeynayay taariikhda noloshiisa. Mana aysan muujin in yar oo xumaato ah.

120-wives2-750x500 120-wives3-750x291

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan