Home / Macluumaad / Thailand oo biyo la macaaneeyay hawada ku buufineysa si ay ula dagaalanto wasakhda!

Thailand oo biyo la macaaneeyay hawada ku buufineysa si ay ula dagaalanto wasakhda!

Himilo FM – Xukuumadda Thailand waxay la timid hab su’aalo ka dhex-dhaliyay dadka kaas oo ay dooneyso inay ku nadiifiso hawada. Dawladda hoose ee Bangkok ayaa durbaba qorsha dhaqan gelisay, waxaa magaalada ka bilowday in biyo la sonkoreeyay lagu buufiyo.

War-baahinta maxalliga ee dalka ayaa werisay in isku daygan laga damacsan yahay in lagu yareeyo heerka hawada wasakhaysan. Maamul hoosaadyada dalka ayaa sameeyay tijaabo horudhac u ah ballaarinta tallaabadan, balse xeeldheerayaasha qaar ayaa aaminsan    inay suura-gal tahay inuu habkan waxyeelo keeno!

Dr. Weerachai Putthawong waa prof ku takhasusay maadada chemistry waxna ka dhiga Kasetsart University, waxa uu Workingpoint News u sheegay inuu ka shaki qabo natiijada ka imaan doonta biyaha la macaaneeyay dhanka nabaadka.

Inkasta oo ay dawladdu xal u aragto arrintan u ugubka ah, haddana prof Putthawong waxa uu leeyahay biyaha la sonkoreeyay waxay horseed u noqon karaan dhibaato kale, sida inay saacidaan koridda bacteria deegaanka.

Waa markii ugu horeysay ee Thailand hawo sifeyn loo adeegsado biyo iyo sonkor laysku daray, dadka ku nool caasimadda waxay cabasho ka muujiyeen biyo daboolay jidadka magaalada kadib markii lagu rusheeyay Booyado biyo ah.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan