Himilo – Meydka nin dhallinyaro ah oo u dhintay qarax ka dhashay sameecadaha dhagaha la gashto ayaa laga helay guri uu ku daganaa bartamaha Thailand.
Subakht Sarbon ayaa lagu arkay qolka jiifkiisa isaga oo meyd ah islamarkaana xeran sameecad dhago taleefan ku xiriirsanaa dab.
Waxaa la rumeysan yahay in Subakht uu ka soo laabtay tababar cayaar kubadda cagta ah kahor inta aan la soo warin dhacdada xannuunka badan.
Deriska ninka 36 jirka ah ayaa soo sheegay dhacdada kaddib markii wax war ah laga waayay dhibanaha muddo seddex maalin ah.
“Qof saaxiib la ah ayaa iga codsatay in aan booqdo, kaddib waxaan tagay gurigiisa oo aan xoog ku galnay, meydkiisa ayaan soo aragnay,” ayuu yiri qof kamid ah deriska ninka dhintay.
Subakht Sarbon ayaa la tilmaamayaa in uu jeclaa kubadda cagta isaga oo la cayaari jiray koox maxali ah.