Home / Cayaaro / Timo Werner oo dhameystiraya ku laabashada RB Leipzig

Timo Werner oo dhameystiraya ku laabashada RB Leipzig

Himilo – Xiddiga kooxada Chelsea ee Timo Werner ayaa lagu soo warramayaa inuu dhameystiri doono heshiis uu ugu biirayo naadiga RB Leipzig isla maanta Isniinta.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka qandaraaskiisa Chelsea weli waxaa ka harsan saddex sano balse wuxuu muujiyay rabitaan ah inuu ka tago.

Werner ayaa ku soo bilowday 29 Premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horreysay ee Blues, laakiin wuxuu ka soo muuqday kaliya 15 line-up horyaalka xilli ciyaareedkii hore, taasoo keentay in weeraryahanka lala xiriiriyo inuu baxo.

Real Madrid iyo Newcastle United ayaa ka mid ahaa kuwa loo aqoonsaday inay xiiseynayeen, laakiin 26 jirkaan ayaa qarka u saaran inuu dhameystiro ku soo laabashada kooxdii uu ka tagay labo sano ka hor.

Werner intii uu joogay Chelsea wuxuu kooxda u dhaliyay 23 gool islamarkaana wuxuu caawiyey 21 gool oo kale 89 kulan uu u saftay Chelsea.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan