Home / Macluumaad / Tirada dhimashada Dhul-gariirka Turkiga iyo Syria oo gaartay 24,000

Tirada dhimashada Dhul-gariirka Turkiga iyo Syria oo gaartay 24,000

Ilaa iyo hadda Kooxaha gurmadka ee ku howlan samatabixinta Dadka ku jira burburka dhismayaasha Turkiga iyo Syria ayaa xaqiijiyay dhimashada 24,000 oo qof iyada oo walu uu socdo baadi goobka dadka maqan.

Lix maalmood kaddib waxaa rajo laga qabaa in la helo dad nool,waxaana kooxaha samata bixinta sheegayaa in ay meelaha qaar rajo jirto.

Dalal badan oo laga billaabo Afrika,Aasiya ilaa Amerika ayaa kooxaha samatabixinta dalalkooda u diray labada dal ee musiibado qabsatay.

Dalka Syria oo dhibaato ahaan ka yar Turkiga laakiin meelaha qaar ay mucaaradka ka taliyaan waxaa gaaray gargaar ay dirtay Qaramada Midoobey.

Mareykanka ayaa gargaarka Syria ka reebay liiska cunaqabateynta saaran Dowladda uu hoggaamiyo Bishar Al Asad.

Dhanka Turkiga Erdogan ayaa ballanqaaday in dadka guryaha ku waayay burburka ay dowladda  u dhiseyso guryo ka qurxoon kuwa ka burburay.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan