Home / Aragtida Islamka / Tirada shacabka Falastiiniyiinta ku geeriyooday duqeymaha Yahuudo oo ku dhow 28-kun

Tirada shacabka Falastiiniyiinta ku geeriyooday duqeymaha Yahuudo oo ku dhow 28-kun

Himilo-Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in tirada dhimashada ee ka dhashay duqeymaha Israa’iil ee dhulka Falastiin ay gaartay 27,947 tan iyo 7-dii Oktoobar.

Ugu yaraan 67,459 Falastiiniyiin kale ayaa ku dhaawacmay weeraradan oo isugu jira kuwa toos ah, toogashooyin iyo duqeymo ay geysanayaan taangiyada iyo diyaaradaha Yahuuda.

24-kii saac ee lasoo dhaafay, wasaaraddu ayaa waxay sheegtay in ciidamada Israa’iil ay 107 qof ku dileen 142 kalena ay ku dhaawaceen isla gudaha magaalada Qaza.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ku amray militariga inay dejiyaan qorshe labada aag ee rayidka looga saarayo magaalada Rafah iyo la dagaalanka Xamaas.

Amarkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo ergayga Qaramada Midoobay ee Falastiin uu su’aal ka keenay halka dadka rayidka ah laga daadgureynayo haddii qorshahan uu fulo.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in kala bar 2.3 milyan oo qof oo reer Gaza ah “ay hadda ku xayiran yihiin Rafah oo aan lahayn meel ay aadaan”.

Guterres oo adeegsanaya luuqad aad u adag ayaa waxa uu si ballaaran uga digay in barokacayaasha “aysan lahayn guryo” iyo “in ay wajahayaan xaalad rajo la’aan ah taasoo walwal leh”.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan