Muqdisho – Kulan ciyaareedka dhexmara naadiyada sida weyn u xifaaltama ee Real Madrid iyo Barcelona, dunidana looga yaqaan El Clasico, ayaa axadda soo aadan lagu wadaa inuu ka dhaco hoyga ciyaaraha Barca ee Camp Nou.
Waa lugta tobanaad ee horyaalka wadanka Spain (La liga), waa mid kamid ah dhacdooyinka sportiga kuwooda ugu weyn, hase yeeshee markaan waxa uu yeelan doonaa weji cusub ku dhawaad toban sano kaddib.
Kulanka ayay u badan tahay inuu dhaco iyadoo aysan shaashadda soo qaban doonin xiddigga reer Portugal, Cristiano Ronaldo, iyo mucjisada reer Argentine, Lionel Messi.
Ronaldo, ayaa kulanka ka maqnaanaya madaama uu u dhaqaaqay naadiga Juventus, halka Messi isna uu ku dhaawacmay kulankii xalay kooxdiisa la yeelatay Seville, lugta sagaalaad ee La liga.
Kooxda caafimaadka ee Barcelona ayaa xaqiijiyay in saddex toddobaad uu garoomada seegi doono Lionel Messi, kaddib jab ka soo gaaray gacantiisa midig.
Kulan El Clasico ah oo ay si wada jir ah uga maqnaadaan xiddigahaan waxa ugu danbeysa 23 December, 2007, xilligaas oo uu Ronaldo kuba soo biirin safka Real Madrid.
Ciyaartaas ayaana ku soo idlaatay 1-0, oo ay guusha ku raacday naadiga reer boqor ee Real Madrid, waxa ayna isla sidaan oo kale ka dhaceysay guriga ciyaaraha Barca.
Isha: arabic.rt.com