Home / Arrimaha Bulshada / Toddobaadka caalamiga ah ee hal-abuurka ganacsiga

Toddobaadka caalamiga ah ee hal-abuurka ganacsiga

Himilo – Qiyaastii 17-kun oo sano kahor dhalashadii nabi Ciise CS dadku waxay ahaayeen ugaarto soo disha hadba noolaha ay helaan. Xilligaasi ganacsiga jira wuxuu ahaa mid ku saleysan badeecad-badeecad ku baddelasho.

Noocan ganacsi waa uu jiray illaa laga soo gaaro horraantii kacaankii warshadaha, markaasi oo ay dadku billaabeen ganacsiyo kala jaad ah, inkasta aanan weli laga gudbin habkii shay wax ku badelashada ahaa.

Wixii sidaasi la ahaadaba ilbaxnimadii wey horumartay, ganacsigii waa uu bulaalay, dadkuna waxay billaabeen inay kasoo haajiraan degaanadii yar yaraa oo ay soo galaan magaalooyinka waa wayn oo sal-dhib u ahaa ilbaxnimada.

Soo saaristii lacag lagu iibsado badeeco amaba adeeg, waxey sal u noqotay in la helo hal-abuurayaal ganacsi, waxaa yimid shirkado la aamini karo oo leh fariisin loogu hagaago. Kun iyo sideed boqolaadkii-kolkaasi oo la soo saaray mashiinada, waxey ahayd waqtiyo kale oo la hirgaliyay ganacsiyo tisqaaday.

Waxaa yimid labadii aragti ee caanka ka noqday suuqyada ee capitalism iyo socialism. Laga soo billaabo qarnigii 19aad illaa iyo maanta hal-abuurayaasha ganacsi waxey udub-dhexaad u yihiin ganacsiga dunida. Tiknoolojiyadda ayaana loo arkaa mashiinka ugu wayn ee dhaliyay kororka dadkan.

Si kaalintooda loo wayneyo ayaa sanadkii 2008-kii waxaa toddobaadka labaad ee bisha nofeember sanad weliba loo asteeyay in la maamuuso isbuuca hal-abuurka ganacsiga. Sanad weliba inta lagu jiro 14-llaa 20-ka nofeember waxaa dunida ka dhaca kulamo  lagu weyneynayo toddobaadka hal-abuurka.

Waxaa la ammaanaa kuwa hal-abuurkoodu  tisqaaday ee ku caana maala, halka la dhiiriyo inta kale ee ka maqan saaxaddan buuqdeedu yar yahay, sabab la xiriirta dadka gaaray ee tiradoodu yar tahay.

Mid ka mid ah caqabadaha ugu wayn ee dabra inta dooneysaa ka mira dhalinta rajadooda ee ku nool dowladaha soo koraya iyo kuwa dhaqaalahoodu taagta darran yahay, waa helidda qarashkii ay ficil ugu baddeli lahaayeen hal-abuurkooda.

Faham darrida iyo ka faa’iideysi la’aanta lacagta yar iyo tamarta fara badan ee uu haystana waa tu kale oo dabarta inta ku dayga sameeya, waxaa soo raaca matalaadda fikrada dadka kale iyo u guur gelidda fursadaha suuqa ka jira.

Intaas oo lagu daray caqabado kale oo tira beel ah oo ay wajahaan dadka tijaabiyay hal-abuurkooda iyo kuwa kaleba waa qodobada lagu lafa guro xuska toddoobadka caalamiga ah ee hal-abuurka ganacsiga.

Cidda wax ka qabashadeeda leh ayaa farta loogu fiiqaa si wadada loo nadiifiyo mase dhacdo badanaa in wax laga qabto.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan