Himilo – Ma jiro wax u dhigma waayo-aragnimada booqashada garoonka kubbadda cagta markii ugu horreysay
Guuxa dadka badan, calamo dhalaalaya oo kor loo lulo iyo heeso ayaa ka dhigaya mid ka mid ah kuwa ugu soo jiidashada badan.
Hase yeeshee, dhowrkii sano ee la soo dhaafay, tallaabooyinka caafimaadka iyo badbaadada dadka kuwaas oo la fahmi karo,waa ay beddeleen jawiga gudaha garoomada.
Sidan oo kale, kaliya tiro yar oo ka mid ah garoomada kubbadda cagta ayaa maanta ah kuwo si dhab ah u dhib badan awood ahaan iyo buuq ahaanba.
Inkastoo Waqooyiga Kuuriya ay dadaal badan u gashay sidii ay ku sheegan lahayd in Rungrado 1st of MayStadium uu haysto 150,000, inta badan diiwaanka xaadiritaanka garoomada ayaa la dejiyay qarnigii 20-aad, halkaasoo taageerayaashu ay soo xaadireen boqollaal kun.
Hadaba waxaan dib u eegis ku samaynaynaa todobadii garoon ee ugu dadka badnaa ee abid la soo xaadiro.
Old Wembley, England, 1923
Waxa laga yaabaa inay la yaab noqoto in garoonka ugu hooseeya ee liiska ku jira uu ahaa guriga kubbadda cagta.
Garoonka Wembley ayaa mar martigeliyay 126,047 qof 1923-kii finalkii FA Cup ee u dhaxeeyay Bolton Wanderers iyo West Ham, sida laga soo xigtay tirooyinka rasmiga ah.
Warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in tiradu ay dhab ahaantii ku dhowdahay 300,000 oo qof iyadoo ay ugu wacan tahay taageereyaal badan oo soo galay, inkasta oo sheegashadu ay tahay mid aan caddayn.
Taageerayaasha ayaa ugu dambeyntii ku soo yaacay garoonka, waxayna taasi keentay in 45-daqiiqo ay dib u dhacdo ciyaarta, iyadoo ciidamada booliska ay garoonka ka saareen dadkii daawanayay.
Bolton ayaa ku idlaysatay 2-0 oo ay ku badiyeen ilaa hadda waa heerka ugu sareeya ee soo xaadirista garoon England hal kulan.
Michigan Stadium, USA, 2014
Koobkii International Champions Cup ee 2014 ee Manchester United iyo Real Madrid ku dhex maray Michigan ayaa soo jiidatay dhammaan ka qayb-galayaashii garoomada kale ee muddooyinkii u dambeeyay.
Dadweyne gaaraya 109,318 ayaa isugu soo baxay Jaamacadda Michigan si ay u daawadaan ciyaarta ka hor xilli ciyaareedka cusub, waxaana ka mid ahaa xiddigo ay ka mid yihiin Cristiano Ronaldo iyo Wayne Rooney.
United ayaa 3-1 kaga badisay Los Blancos labo gool oo uu dhaliyay Ashley Young iyo goolka saddexaad ee Javier Hernandez.
Ciyaarta ayaa sare u kacday imaanshaha rikoorka hore ee kubbadda cagta Mareykanka ee la dejiyay 1984kii ee Rose Bowl ee Los Angeles.
Stadio Bernabeu, Spain, 1962
Labada kooxood ee dhamaan taageerayaasha kubada cagta ay yaqaaniin waa Real Madrid iyo Juventus, kuwaas oo isaga horyimid koobkii kooxaha Yurub ee (European Club Champions Cup)1962-kii.
Madrid ayaa marti galisay kooxda Turin taas oo ilaa hadda ah ciyaarta ugu badan ee laga soo qayb galay taariikhda Spain, iyada oo labada kooxoodba ay ku dagaalameen in ay gaaraan semi-finalka.
Ku dhawaad 130,000 oo taageere ayaa soo xaadiray iyadoo Los Blancos lagu garaacay 1-0 gool uu dhaliyay Omar Sivori.
Bernabeu hadda waxa ay haysataa qayb ka mid ah tiradaas oo leh 81,044, taas oo ilaa hadda loo arko mid aad u weyn marka loo eego heerarka maanta.
Salt Lake Stadium, India, 1997
Garoonka ugu yaabka badan ee liiska ku jira waa shaki la’aan Salt Lake Stadium ee ku yaala Kolkata, India, kaas oo marti galiyay 134,000 oo taageere 1997dii.
Inkastoo kubada cagta aysan ku dhowayn gudaha Hindiya sida wadamada kale ee liiska ku jira, dadka aadka u badan ayaa u soo baxay inay daawadaan East Bengal oo la ciyaaraya Mohun Bagan ciyaar ka tirsaneyd semi-finalka koobka Federation.
East Bengal ayaa 4-1 kaga badisay kooxda martida aheyd, iyadoo Bhaichung Bhutia uu dhaliyay seddexleydiisii ugu horeysay abid.
Ciyaarta ayaa laga diiwaan galiyay ka qeyb galka ciyaaraha ugu badan ee India abid iyo Asia ee ugu sareysay waqtigaas.
Estadio da Luz, Portugal, 1987
Garoonka ku jira kaalinta saddexaad ee liiska dadka ugu badan ay soo xaadireen waa Estadio Da Luz, kaasoo martigeliyay ciyaar u dhaxeysay Benfica iyo Porto oo ka tirsan Portuguese Primeira sanadkii 1987-kii.
Waxaa lasoo wariyay in 135,000 oo qof ay soo xaadirtay “O Classico” iyadoo Benfica ay ku soo baxday kaalinta koowaad iyadoo 3-1 kaga badisay kooxda ay xafiiltamaan.
Waxa si gaar ah uga dhigay xaqiiqada Benfica in ay Porto ku qaaday horyaalka saddex dhibcood oo kaliya xilli ciyaareedkaas.
Garoonka ayaa tan iyo markii la dumiyay lagu bedelay garoonka cusub ee la furay 2003-dii, waxaana uu qaadaa 65,000 oo taageerayaal ah oo aad uga ammaan badan.
Hampden Park, Scotland, 1937
Soo xaadiridii ugu badnayd ee Great Britain ayaa timid kulankii Derby-ga ahaa ee dhex maray Scotland iyo England ee Hampden Park, Glasgow, sanadkii 1937-kii.
Qiyaastii 50,000 oo taageere England ah ayaa u safray waqooyiga si ay u daawadaan wadankooda oo wajahaya Scotland ciyaar ka tirsan koobka British Championship, taas oo Wales ay horay ugu guuleysatay.
Waxay ku qaadatay wadarta guud ee soo xaadirtay 149,415 iyadoo saddexda libaax ay la kulmeen guuldarro 3-1 ah.
Iyadoo tikidhada barxadaha lagu iibiyo 2 shilin (£5), la yaab ma laha in taageerayaal badan ay u soo daawasho tagaan ciyaarta xiisaha badan.
Maracana Stadium, Brazil, 1950
Haddii weligii uu shaki jiro in Koobka Adduunka uu yahay dhacdada kaliya ee isboorti ee ugu weyn meeraha, 1950-kii finalkii Brazil iyo Uruguay waa in la soo afjaraa.
Ciyaartan ayaa dhigaysa rikoodhkii ugu badnaa ee soo xaadirista kubbada cagta abid iyada oo 199,854 taageere ay ku soo xaadireen Maracana ee Rio de Janeiro.
Xulka qaranka Uruguay ayaa qalbi jabiyay reer Brazil oo kumanaan taageerayaashooda ah hortooda ku qaaday koobkii labaad ee koobka adduunka.
Uruguay ayaa ka soo laabtay gool ka hor si ay u dhaliyaan goolka guusha iyaga oo 11 daqiiqo ciyaarta ku hogaaminayay Ghiggia.
Ciyaarta ayaa saameyntii ugu dambeysay yeelan lahayd, inkastoo Brazil ay beddeshay midabkeeda caddaanka una badashay jaale iyo buluug ka dib guuldaradii soo gaartay.
W/Q: Hanaa Maxamed Maxamud