Himilo- Todobaadka Akhris-qoraalka warbaahinta caalamiga ah, ayaa sanad walba aduunka laga xusaa iyadoo la soo abaabulo munaasabad weyn oo loo qabto daneeyayaasha caalamka si kor loogu qaado wacyiga qoraalka looguna dabaaldego horumarka laga gaarey dhanka warbaahinta iyo akhriska.
Guud ahaan caalamka ayaa sanadkan u dabaaldagaya xuska todobaadka akhriska iyo qoraalka ee warbaahinta aduunka inta u dhaxaysa 24 ilaa 31 October 2024, waxaana todobaadka loo qorsheeyay in lagu soo gebagebeeyo shir caalami ah oo ay soo qaban qaabiyeen UNESCO iyo Boqortooyada Urdun kaas oo ka dhici doona magaalada Cammaan 30-ka iyo 31-ka October. Shirka ayaa looga hadli doonaa saamaynta ay tiknoolajiyada soo baxaysa sida sirdoonka macmalka ah ee abuurista iyo jiilka cusub ee samaynta dhijitaalka ah ay ku leedahay wax soo saarka iyo faafinta macluumaadka, iyada oo la muujinayo fursadaha tiknoolajiyadan iyo khatarta ay keeni karaan.
Iyada oo la eegayo isbeddelada joogtada ah ee macluumaadka dunida, toddobaadka akhriska iyo qoraalka Xogta warbaahinta adduunka waa fursad lagu muujiyo muhiimadda ay leedahay dhisidda bulshooyin awood u leh in ay la falgalaan xogta dhijitaalka ah .
Tan iyo markii uu go’aanka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee 2021 la bilaabay toddobaadkan, waxa ay noqotay mid sii kordheysa oo muhiim ah, si loogu suurtageliyo shakhsiyaadka inay helaan xog sugan, iyadoo la eegayo kala qaybsanaanta weyn ee dhijitaalka ah ee u dhaxaysa waddamadan aduunka .
UNESCO waxay si wax ku ool ah uga shaqeysaa bixinta agabka gacan ka geysanaya horumarinta xirfadaha warbaahineed ee shakhsiyaadka iyadoo horumarinaysa manhaj waxbarasho iyo qaab-dhismeedka qiimeynta siyaasadda ururku oo sidoo kale bixiya casharro bilaash ah oo uu heli karo qof walba si kor loogu qaado in qofku uu si iskiis ah waxisku baro, iaydoo taageeraysa dadaallada caalamiga ah ee kor loogu qaadayo iskaashiga.
Aqriska iyo qoraalka ayaa kaalin ka qaata hormarka dalalka aduunka iyo ineey ogaadaan bulshadooda waxa cusub in la caawiyo dadka danta yar ee ay warbaahinta kusoo daabacaan qoraayaasha
Qaramada midoobay ayaa go-aansatay in la xuso maalintan si loo hormariyo qoraalka warbaahinta iyadoo la adeegsanayo luuqadaha kala duwan ee dunida