Himilo – Aston Villa ayaa la soo saxiixatay 33 jirka kooxda Burnley iyo goolhayaha reer England Tom Heaton qiimo dhan 8 milyan oo ginni – waana saxiixii 11aad ee ay xagaagan lasoo saxiixato.
Heaton ayaa 19 kulan u saftay Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay iyadoo Burnley ka fogaatay inay u laabato heerka labaad.
Toddobaadkii hore Villa ayaa xaqiijiyey imaatinka ciyaaryahanka garabka uga ciyaara xulka Masar Trezeguet lacag dhan £ 8.75m iyo ciyaaryahanka qadka dhexe ee Manchester City Douglas Luiz oo ay ku iibsadeen £ 15m.
Imaatinka Heaton wuxuu noqonayaa in Villa ay suuqa ku bixisay in ka badan 110 milyan.
Wuxuu yimid Burnley 2013-kii ka dib markii ay iska fasaxday Bristol City wuxuuna u ciyaaray 200 oo jeer Clarets.
Waxa uu ku guuleystay markiisii ugu horreysay seddex kulan oo uu matalay England isaga oo ka hor yimid Australia bishii May 2016 waxaana uu ku jiray xulka Euro 2016.
Tababaraha Villa Dean Smith ayaa yiri: “Wuxuu si fantastik ah ugu sameeyay kooxda Burnley sanadihii la soo dhaafay, qibradiisa iyo aqoontiisa Premier League ayaa anfac weyn inoo ah xilli ciyaareedkan.”
Tan iyo markii ay ku guuleysatay usoo dalacida Horyaalka Premier League bishii May, Villa waxay la soo saxiixatay weeraryahanka kooxda Bruges Wesley £ 22m, Daafaca Brentford Ezri Konsa ee 21jirka ah aduun dhan £ 12m, Bjorn Engels oo 24 jir ah wuxuu £ 9m kaga yimid Reims, Tyrone Mings oo 26jir ah wuxuu Bournemouth kaga yimid £ 20m, Kortney Hause oo Wolves kaga yimid £ 3m iyo Matt Targett oo kaga yimid Southampton £ 15m.
Villa ayaa sidoo kale 8 milyan ginni ku qaadatay garabka kooxda Lille Anwar El Ghazi iyo ciyaaryahanka qadka dhexe ee Birmingham Jota oo heshiis isdhaafsi ah ku yimid.
Kooxda Smith waxa ay xilli ciyaareedkooda Premier League ku bilaaban doontaa kulanka Tottenham 10-ka August.