Himilo – Toni Kroos ayaa sheegay inuu ka fariisan doono Real Madrid balse ma uusan dammaanad qaadin inuu qandaraas cusub u saxiixi doono kooxda heysata horyaalka Spain iyo kan Yurub.
32-sano jirkaan ayaa mar kale ah ciyaaryahan muhiim u ah kooxda Carlo Ancelotti xilli ciyaareedkan, isagoo saftay 16 kulan tartamada oo dhan, wuxuu ka qeyb qaatay seddex caawin.
Si kastaba ha ahaatee, qandaraaska Kroos ee Bernabeu ayaa ku eg bisha June ee soo socota, waxaana jiray hadal heyn badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa caasimadda Spain.
Kroos ayaa Real Madrid kaga soo biiray Bayern Munich sanadkii 2014-kii, wuxuuna kooxda reer Spain u matalay 381 jeer tartamada oo dhan, wuxuuna ka qayb qaatay 25 gool iyo 86 caawin.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa sidoo kale guulo waa weyn ka gaaray Bernabeu marka la eego koobabka uu hantay oo kala ah seddex La Liga ah iyo afar Champions League ah, waxaana u sii dheer Spanish Super Cup, UEFA Super Club iyo Club World Cup.