Himilo – Si looga gabbaad yeelo dadka wadooyinka ku hoyda qabowga dhaca xilligga Jilaalka, mid ka mid ah dadka guryaha dhisa ee ku nool magaalada Toronto ee Kanada ayaa caawinaya dhibbaneyaashaasi.
Khaleel Seivwright, oo caawintiisa billaabay bil ka hor ayaa guryo adag oo ka sameysan alwaax u dhisa dadka hooy la’aanta ku ah magaaladiisa.
Qiyaastii sideed saac ayuu gurigiiba ka qaataa, isaga oo qalabka dhismahana kusoo iibiya lacag dhan kun doolar, waase uu ku faraxsan yahay garabka istaaga dadka u baahan.
Muuqaal baahiyaha CBC ayuu u sheegay “Tani waa waxa kaliya ee aan sameyn karo si dadka banaan yaalka ah ay u samata baxaan xilliga qaboobaha”. 28-jirkan, ayaa intaasi ku daray in guryahan ay xoogaa diirimaad ah ka heli karaan dadka hooy la’aanta ah ee ku nool Toronto.
Si dadaalkiisu u gaaro dad badan ayuu dadka ku booriyaa inay gacan ka geystaan caawinaadda uu wado, isaga oo u sameeyay koonto sahashay in la helo $50,000. Guryahan ayaa u sahlaya dadka hooy la’aanta ah inay qaataan haddii ay doonayaan inay degaan degaan cusub, isaga oo sidiisa u dhisan.
Inta badan jilaalka oo ah xilli qabow marka la joogo wadamada ku yaala waqooyiga dhul baraha waxa uu billaawdaa 21-ka December isaga oo xiriirsanaada illaa 21-ka Maasro.