Home / Habka-Nolosha / Torres oo qandaraas cusub u saxiixay Atletico Madrid

Torres oo qandaraas cusub u saxiixay Atletico Madrid

Fernando Torres ayaa qandaraas cusub oo hal sano ah warqadda ugu dhigay kooxdiisa Atletico Madrid kaddib markii uu dhacay heshiiska uu kula joogay.

32 jirkaan weerarka ka cayaara ayaana maray waddadii uu labo toddobaad hortood qaaday  Antoine Griezmann oo isna qandaraas u saxiixay  Rojiblancos xilli mustaqbalkiisa fog mugdi la gelinayay.

Torres ayaa kusoo qaatay Vicente Calderon 18 bil oo amaah ah markii ay kasoo kaxeysteen kooxda AC Milan oo uu kaga soo biiray dhanka Chelsea.

Agaasimaha cayaara kooxda Atletico Madrid  Jose Luis Perez Caminero ayaa xusay in dhammaan kooxda iyo taageerayaashuba ay ku faraxsan yihiin inay sii heystaan weeraryahanka reer Spain.

44 kulan oo dhammaan tartamada uu u saftay Atletico Torres ayaa ku dhaliyay 12 gool isagoo kooxda ka caawiyay inay ku dhameystaan booska saddexaad ee La Liga soona gaaraan Finalka Champions League.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan