Home / Cayaaro / Tottenham Hotspur oo dooneysa inay lasoo saxiixato Diego Costa

Tottenham Hotspur oo dooneysa inay lasoo saxiixato Diego Costa

Himilo – Kooxda Tottenham Hotspur ayaa qorsheyneyso dalab ay bisha Janaayo ka gudbineyso weeraryahankii hore ee kooxaha Chelsea iyo Atletico Madrid Diego Costa.

32 jirkaan ayaa dhawaan qandaraaskiisa si wada jir ah looga joojiyay lix bilood horaantii kooxda reer Spain, iyadoo weeraryahanku uu doonayay inuu u guuro meelo kale si uu waqti joogto ah ugu ciyaaro.

Wargayska La Razon ayaa warinaya in Spurs ay aad u xiisaynayso Costa si la mid ah kooxda reer Talyaani ee Napoli, iyadoo labada kooxba ay doonayaan inay xoojiyaan weerarkooda.

Waxay sidoo kale cadeeyeen in Napoli ay qorsheyneyso inay waayaan weeraryahankeeda Arkadiusz Milik iyo laacibkii hore ee Spurs Fernando Llorente bisha soo socota sidaas darteedna ay dalab ka gudbin doonaan Costa si badal uu  ugu noqdo laakiin Tottenham ayaa sidoo kale qarka u saaran inay weyddiiso wakiilada Costa wax suuro gal ah.

Ciyaaryahanka reer Spain oo qandaraaskiisa uu dhacayo ayaa dedejin doona howsha hadii heshiis kasta uu ku dhici lahaa weeraryahankaan la helo, kaasoo doonaya inuu ku laabto Premier League.

Costa oo afar sano ku qaatay Chelsea intii u dhaxeysay 2014 iyo 2018, ayaa dhaliyay 58 gool 120 kulan oo uu u saftay kooxda ka hor inta uusan ku laabanin Atletico 2018, halkaasoo uu kaliya 12 gool ka dhaliyay La Liga seddex sano gudahood.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan