Home / Cayaaro / Tottenham Hotspur oo wadahadallo heshiis kordhin ah la furtay Hugo Lloris

Tottenham Hotspur oo wadahadallo heshiis kordhin ah la furtay Hugo Lloris

Himilo – Tottenham Hotspur ayaa la werinayaa inay sameysay tallaabadii ugu horreysay oo ay ku dooneyso inay heshiis cusub la gasho goolhaye Hugo Lloris.

Xiddiga reer France ayaa siddeedii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ku qaatay Waqooyiga London, isagoo wadar ahaan u saftay 325 kulan tartamada oo dhan.

Iyadoo wax ka yar labo sano ay uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan, 33 jirkaan ayaa fursad u heysta inuu raadsado koox kale ka hor dhammaadka xirfaddiisa ciyaareed.

Si kastaba, sida laga soo xigtay Football Insider, Spurs waxay wadahadallo hordhac ah la furtay 33 jirkaan oo ku saabsan heshiis kordhin.

Warbixinta waxay intaasi ku dareysaa in Jose Mourinho uusan dooneynin inuu beddelo goolhayahiisa koobaad, inkastoo dhawaan lagu soo daray goolhayihii hore ee England Joe Hart.

Paulo Gazzaniga ayaa sidoo kale u tartamaya booska koobaad ee kooxda Tottenham Hotspur Stadium

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan