Tottenham oo aan haysan ikhtiyaar ay dib ula soo saxiixato Gareth Bale

Himilo – Wakiilka Jonathan Barnett ayaa mar kale ku celiyay in Tottenham Hotspur aysan heysan fursad ay dib ugula soo saxiixdaan Gareth Bale xagaagan.

31 jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay amaah ku qaatay kooxda ka dhisan Waqooyiga London, isagoo ka qeyb qaatay 16 gool 34 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Wararka la isla dhexmarayo ayaa weli sheegaya in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Wales uu ku laaban doono kooxdiisii hore xilli ciyaareedka soo socda iyadoo hal sano ay uga harsan tahay qandaraaskiisa Real.

Si kastaba, Barnett ayaa qirey in Los Blancos aysan qandaraas kujirin inay u ogolaato weeraryahanka inuu xilli ciyaareed kale ku qaato Premier League.

Barnett oo la hadlayey majaladda Evening Standard ayaa yiri: “Sidaan horay u sheegay bilowgii, ma jiro wax ikhtiyaar ah. Gareth malaha wax heshiisyo ah haba yaraatee, qandaraas ayuu kula jiraa Real.”

Iyadoo Carlo Ancelotti uu ku laabanayo Bernabeu, Bale ayaa laga yaabaa inuu arko inta ka hartay qandaraaskiisa Real.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan