Home / Uncategorized / Tottenham oo ku sii dhawaanaysa Jota Filipe

Tottenham oo ku sii dhawaanaysa Jota Filipe

Himilo FM –Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay si rasmi ah ula soo wareegto garabka Benfica Jota.

Mauricio Pochettino ayaa keliya hal ciyaaryahan ku soo daray kooxdiisa koowaad  seddexdii sanno ee ugu danbeysay suuqa kala iibsiga laakiin ninka  reer Argentine ayaa la rajeynayaa inuu ciyaaryahano dhowr ah keeno  billaha soo socda.

Sida laga soo xigtay Record, kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa haatan ka fekereysa inay  bixiso 30 milyan oo Euro oo u dhiganta (26.34 milyan ginni) oo 20 jirka Jota  qandaraaskiisa lagu burburin karo .

Pochettino ayaa la sheegay in uu leeyahay miisaaniyad xaddidan oo uu isticmaalo inta lagu jiro xagaaga, taasoo la micno ah in Spurs ay isku dayi karto inay ka gorgortanto qiimo hooseeya.

Laacibka ka soo baxay akadeemiyadda naadiga ayaa 47 kulan u saftay Benfica B sagaal gool ayuu dhaliyay  siddeedna waa uu caawiyay laakiin 5 kulan keliya  ayuu u saftay kooxda koowaad xilli ciyaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan