Home / Cayaaro / Tottenham oo soo bandhigtay laba Macalin oo beddeli kara Mourinho
Jose-mourinho

Tottenham oo soo bandhigtay laba Macalin oo beddeli kara Mourinho

Himilo – Tottenham Hotspur ayaa u aqoonsatay Brendan Rodgers iyo Julian Nagelsmann inay bedel u noqon karaan Jose Mourinho.

Spurs ayaa laga badiyay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, natiijooyin hoose oo isdaba joog ah ayaa culeys weyn saaray macalinka reer Portugal.

Kooxda Waqooyiga London ayaa sidoo kale badisay kaliya afar ka mid ah 14kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, taasoo ka dhigeysa inay kooxda ku jirto kaalinta 9aad ee kala sareynta.

Inkastoo wax isbedel ah uusan ku imaan doonin, Daily Mail ayaa sheegeysa in saraakiisha kooxda ay ka fiirsanayaan inay u dhaqaaqaan Rodgers iyo Nagelsmann.

Leicester ayaa haatan loo arkaa inay tartan ugu jiraan Champions League xilliga Rodgers, Dawacooyinka ayaa haatan ku jira kaalinta seddexaad ee Premier League iyagoo ka dambeeya Manchester City iyo Manchester United.

Nagelsmann kooxdiisa RB Leipzig ayaa shan dhibcood u jirta Bayern Munich Bundesliga, inkastoo macalinka reer Jarmal si joogta ah loola xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo koox weyn.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan