Himilo – Kooxda Tottenham Hotspur ayaa la warinayaa inay xiisa wayn u qabto xiddigga weerarka kaga ciyaara kooxd Southampton ee Danny Ings.
Iyada oo la taagan yahay waqti ay naadiga Hotspour u baahan tahay xiddig caawiya harry Kane, ayaa tababare Jose Mourinho waxa uu indhaha ku ahayaa suuqa kala iibsiga.
Intii lagu jiray labadii xilli ciyaareed ee uu danbeeyay, Danny Ings ayaa gacan ka geystay 29-gool, 63-jeer oo uu kasoo muuqday horyaalka,taas oo qasabtay in 28-jirkan dob looga yeero xulka Egland.
Kooxda Tottenham, ayaa la rumeysan yahay in xilligan aysan awoodin soo iibshada ciyaartooygaasi.