Home / Macluumaad / Tusmada laga qaato Shaqsiyaadka Xanaaneeya Bisadaha
Lilac Somali cat with hazel eyes and tufted toes, lying down

Tusmada laga qaato Shaqsiyaadka Xanaaneeya Bisadaha

Muqdisho – “Yaanyuuraha sida aad aragto waa wehel; marka labaadna cayayaannada ayay waardiye kaaga noqdaan. Wax kugu soo dhawaanaya malahan – Masba Allaha ka dhigee.”

Faalladaas waxaa bixinaya Ali Adan, oo ah xanaaneeye Bisad kaas oo ku dhawaad tobankii sano ee lasoo dhaafay ku howlanaa daryeelka iyo xanaaneynta noole aan qof kasta ka helin soo dhaweyn.

Haddii badi guryaha qaar ay ku nool yihiin qoys ka kooban waalid iyo carruur, guriga Ali waa aqallada dhif-dhifka ah ee ka kooban wax ka badan hal qoys. Mana ahan mid kale ee waa qoyska Bah Dinnad oo taniyo markii lagu soo laabtay magaalada Muqdisho uu doortay inay kula noolaadaan aqalkiisa.

Waxay aheyd mid kaliya. Hayeeshe muddaba waxay noqoneysay jees ballaaran oo markii ugu badnaa ay gaareen 12 Bisadood. Hadana subax kasta sida caadadiisa ahba wuxuu xisaabtiisa ku daraa qoondada quudkii ay cuni lahaayeen. Waxayna ku tiirsanaadeen xaggiisa.

“Aroor kasta waxaan ku baxa toddobo kun Sh Som; celcelis dhan 8$ bishiiba; waxaa aad hadda u jeedid oo dhan waxaa dhashay hooyadan; ab-ka-abna way joogaan halkan,” ayuu yiri isaga oo farta ku fiiqaya Dinnad aad u weyn oo dacalladeeda ay yaacayaan Bisado yaryar oo hadda un hana-qaadaya.

In kasta oo qof kasta oo jecel Bisadaha laga yaabo inuusan helin meel iyo fursad uu ku xanaaneeyo, hadana Ali wuxuu aaminsan yahay inaysan bulshadu necbeyn Yaanyuuraha.

“Soomaalidu wayba jeceshahay Mukulaalaha; waayo waligaa ma aragtay Bisad albaabka laga soo xerinayo sida Eyga la iskaga buriyo oo kale?” ayuu is-weydiiyay. “Dhibba malahan korintooda – hal mar wax sii; iyaga ayaa danahooda kaa raacanaya ilaa iyo mar kale kolkii ay gaajo dareemaan.”

Dadka qaar ee uu tilmaamay Ali inay jecel yihiin waxaa kamid ah Ahmed Hassan iyo Anwar Xaaji. Marka loo eego aragtidooda, dal dadkiisu ku la’yihiin baahidooda aasaasiga, mudnaanta xanaaneynta nolosha Bisadaha muhiimad weyn lama siiyo.

“Burburkii dhacay wuxuu aafeeyey nolosha dad iyo duunyo; in dib loo hagaajiyana, micnaheedu waa in marka hore la dhisaa nolosha dadka, markaas ayay dadku awoodi karaan inay markooda daryeelaan noolaha sida Bisadaha,” ayuu yiri Ahmed Hassan.

Anwar Haji oo sugaya inuu tiisa ku darsado ayaa yiri; “Way muuqataa sida ay u dacdaran yihiin; waana wax wanaagsan in la daryeelo, hadana sidii la rabay uma helaan xanaaneyntii loo baahnaa.”

Kuwa aan helin fursad lamid ah Ali ee jeclaan lahaa xanaaneynta Bisadaha waxay wax ka baran karaan waaya’aragnimadiisa. Farriintiisu waa inay mar isku dayaan tijaabadiisa oo kale oo hal Bisad ay xanaaneeyaan.

“Haddii aad aragto kuwa dila; ogow waxaa jira kuwa dabiibaya oo daryeelkoodana jecel; haddii aysan fiicneyn cidna sooma dhaweysateen; wayna garanayaan qofkii wax siiya; abaalkooduna ma duugoobo – waayo haddii bahal kugu yimaado adiga oo tukanaya, inay kaa dhiciyaan mooyee kuguma fiirsanayaan,” ayuu yiri. “Marka isku day inaad mid un xanaaneyso adiga ayaa arki doona wanaagooda.”

Samafalka quruxda badan ee Ali Adan wuxuu ina xusuusinayaa sheekada Maxamed Alaa Jaliil oo Suuriyaan ah kaas oo xanaaneeya Bisadaha looga cararay dagaallada ka socda magaalada Xalab. Balse inta laga helayo xukuumad ama ururro isku xil-qaama daryeelka noolaha, Ali Adan wuxuu ku taagan yahay inuu booskaasi buuxiyo inta karaankiisa ah.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan