Home / Macluumaad / Tuug isku dayay inuu xado gaari boolis ay ku dhex jiraan!!

Tuug isku dayay inuu xado gaari boolis ay ku dhex jiraan!!

Muqdisho – Tuug ayaa la argagaxay markii uu laba sarkaal booliska uu ku dhex arkay gaari uu isku dayay inuu xado, marka loo eego booliska Japan.

Booliska Aichi ayaa sheegay inay xireen 23-jir lagu magacaabo  Ushio Sato, kadib markii lagu soo eedeeyey inuu damacsanaa xatooyada gaari boolis.

Sato waxaa lagu qaaday danbi ah isku dayga xatooyo qaran.

Marka loo eego baaritaanka booliska, falkan wuxuu soo shaac baxay maalintii Isniinta. Sato ayaa kusoo dhawaaday gaariga booliska xilli uu ku baakinnaa waddada dhinaceeda.

Gaariga waxaa loo adeegsanayay qeyb kamid ah baaritaan dahsoon.

Sato ayaa furay albaabka gaariga, wuxuuna la fajacay in gaariga dhexdiisa ay ku jireen saraakiil boolis.

Wuxuu isku dayay inuu cararo hayeeshe booliska ayaa soo qabtay.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan