Himilo – Boliiska magaalada Sunderland ee waqyoogi-bari England, ayaa gacanta ku dhigay tuug xaday qalab kuwa wax lagu nadiifiya ah, kuwaas oo qiimahoodu ahaa lacag ku dhaw laba boqol oo doolar.
Sheekada layaabka leh ayaa ah in tuuga qudhiisu u fududeeyay boliiska inay soo qabtaan. Hadaba muxuu sameeyay?
Goobta uu xatooyada ka geystay ayuu kaga tagay boorso yar oo ay ku jirto warqad lagu dhigay magaciisa iyo cinwaanka guriga uu ka degan yahay waqooyiga-bari England.
Boliiska oo booqday guriga ayaa soo helay qalabka uu xaday, iyaga oo dib ugu celiyay ruuxii lahaa. Malcolm Pyke oo 43-jir ah ayaa markii uu ku dhacay gacanta boliiska qirtay inuu sameeyay laba xatooyo. Ma kas buu kaga tagay boorsadiisa mise kama’ ma shaacin.
Waxa uu dhaca ka geystay garaash ku yaala magaalada Sunderland bishii Maarso, markaas oo uu xaday qalab qiimahiisu yahay 150 pound oo u dhiganta 193.72 oo doolar.