Home / Macluumaad / UAE: Jaamacad takhasusyadeeda ku dareysa barashada ciyaarta Game-ka

UAE: Jaamacad takhasusyadeeda ku dareysa barashada ciyaarta Game-ka

Himilo – Jaamacad fadhigeedu yahay Imaaraadka (UAE) ayaa go’aansatay inay ciyaarta game-ka ka mid dhigto culuumta la barto, iyadoo aqoonsi ka haysatada wasaaradda wax-barashada.

Hormuudka kulliyadda arrimaha bulshada ee jaamacadda Wollongong Dr. Feras Hamza, ayaa sheegay inay bilaabayaan takhasuskan oo lagu baran doono horumarinta muuqaalada game-ka.

Ardayda iska diwaan galiya keliya lama bari doono nashqadeynta Game-ka balse waxaa u dheer dhawr barnaamij oo la xiriira ciyaartan  sida baraha bulshada iyo nashqadeynta sawirada.

Fasalka ugu horeeya waxa la bilaabi doonaa bisha September ee sannadkan. Muddo afar sano ah ayay daraasaddu socon doontaa. Kaddib qalin jebinta ardayda waxay kala dooran doonaan inay shahaadada ka qaataan jaamacadda Wollongong xarunteeda Dubai ama xarunteeda  Australia.

Dunida Carabta waxaa ku badanaya shirkadaha soo saara muuqaalada game-ka. Mustaqbalka dhaw iyo kan fogba waxaa ka bidhaamaya fursado shaqo.  Sidaa darteed,  waxaa la doonayaa in la helo da’yar aqoon u leh.

Muuqaalada Game-ka ee loo suuq geeyo Carabta ayaa kordhay 5.9%, waxay heleen macaamiil dhan 4.8 milyan, waxaa la sii saadaaliyay in laga faa’iido sannadkan $262 milyan, sida laga soo xigtay Shirkadda  Statista ee dalka Jarmalka.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan