Home / COVID 19 / UK oo dadkeeda ka tallaaleysa Covid-19

UK oo dadkeeda ka tallaaleysa Covid-19

Himilo – Sanad kaddib markii uu magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha uu ka dilaacay cudurka dilaaga ah ee Covid-19, UK, ayaa noqoneysaa dalkii ugu horreeyay ee billaabay in dadkiisu uu ka tallaalo feyruskaasi ay u geeriyoodeen 1.52-ka milyan ee qof caalamka oo dhan.

Ku dhawaad 50 isbitaal oo ay maamusho hay’adda caafimaadka qaranka ee loo soo gaabiyo NHS, ayaa horkacaya tallaalka la siinayo dadka da’doodu ka wayn tahay 80-jir ee jiifa isbitaalada amaba bogaan socoto ah oo ay wehliyaan shaqaalaha caafimaadka.

Margaret Keenan oo todobaadka danbe noqoneysa 91-jir ayaa noqotay ruuxii ugu horreeyay ee tallaalka Covid-19 la siiyo. Markii ay qaaday dhibcaha tallaalka ayey tiri “Waa hadiyaddii ugu wanaagsaneed ee la isiiyo dhalashadeyda kahor waxaan rajeynayaa sababtiisa dartiis inaan waqti kula soo qaato saaxiibadey iyo qoyskeeda magaalada New York kaddib muddo aan kaligeey ahaa”.

“Sharaf ayey ii tahay inaan noqdo qofkii ugu horreeyay ee iska tallaala Covid-19” ayey sii raacisay. Dalka ay qoyskeedu ku nool yihiin ee Mareykanka wali lagama hirgalin tallaalka karaan feyruska corona waxaase la filayaa maalmaha ina soo aadan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan