Himilo – Tobanaan ruux ayaa si kas ah loogu tallaali doonaa feyruska corona, si qeyb uga noqdaan dadaalka lagu baadi goobayo tallaalka Covid-19.
UK ayaa markii ugu horreeysay ogolaaneysa tijaabadan, kadib markii ay heshiis la gaartay shirkadda gacanta ku heysta cilmibaarista. Heshiiskan ayaa talaaladan laa wadaagay warbaahinta.
Dadka mutawaciinta ah ayaa lagu duri doonaa xaddi aan badneen oo ah feyruska SARS-CoV-2, si mustaqbal ay gogol-xaar ugu noqoto tallaal loo helo.
Haddii uu helo sharciyad, tijaabada oo dadk ka qeyb noqonaya u badan yihiin dhalinyarada ayaa bisha Janaayo waxey ka billaaban doontaan isbitaalka London.
Tijaabada aadana waa mid soo jireen ah, si dawo amaba tallaal loogu helo xanuuno soo kordha caalamka.