Home / Habka-Nolosha / UK: Shirkad lacag ka badan kun Doollar ku bixineysa dhadhaminta Jallaato

UK: Shirkad lacag ka badan kun Doollar ku bixineysa dhadhaminta Jallaato

Himilo – Shirkadda Wheyhey oo sameysa mac-macaanada waxay raadineysaa shaqsiyaad uga qeyb qaata cilmi baaris ay ku ogaaneyso nooc jallaato oo macaamiisha xiiso geliya.

Dadka loo doorto shaqadan waxay dhadhamin doonaan dhowr nooc oo jallaato ah iyadoo la eegi doomo qaneecadooda iyo midka ay ka xuli doonaan jaadadka loo keeni doono.

Ujeedada ay shirkaddu u shaqaaleysiineyso dadka waxay tahay inay soo saarto jallaatooyin aan laheyn wax sonkor ah marka loo barbar dhigo kuwii horey loo sameyn jiray.

Damien Kennedy oo ah aasaasaha shirkadda, wuxuu sheegay in hadafkoodu yahay inay bulshada tusaan sida ay u daneynayaan hab nololeedka caafimaadkooda.

Wuxuu intaa ku daray inay farxad iyo wax weyn u tahay inay soo saaraan jallaato ka madax-bannaan sonkor. Shaqadan waxaa loo dalban karaa si online ah, dadka loo xusho waxay heli doonaan $1390.

Dadka codsanaya shaqadan da’ ahaan waa inay u dhaxeeyaan 18-60 sano. Sidoo kale musharaxiinta doona waa inaysan horey u qabin cudurrada qaar sida macaanka ama uusan badneyn miisaankoodu.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan