Home / Dhaqaale / QM: Dhaqaalaha dunida waxa uu wajahayaa 10-sanno oo qasaare ah

QM: Dhaqaalaha dunida waxa uu wajahayaa 10-sanno oo qasaare ah

Himilo – Dhaqaalaha dunida ayaa wajahi doona toban sanno oo qasaare ah, kaddib xayiraadda Covid-19 haddii aanan la abuurin qorsheyaal soo kabasho ah, sidaasi qaramada midoobay ayaa ka digeysa.

Warbixinta sanadlaha ah ee horumarka iyo ganacsiga, ayey waaxda dhaqaalaha Qaramada Midoobay kaga digtay in dowladuhu isticmaalaan hab la mid ah midkii sanadihii 2008-09, markaas oo ay si is-dabajoog ah u sameeyeen dhaqaale dhimis, si ay u samatabaxaan.

Hanaankaasi oo ayey tilmaamtay haddii dowladuhu sameeyaan mar kale inuu ka cusleyn karo soo kabasho dhaqaale oo ay sameeyaan una horseedi karo hoos u dhac dhaqaale oo laba jibbaar ah.

Inkastoo xoogaa kobac ah la sameeyay bilihii dhawaa, hadana waxaa dhaqaalaha dunida uu shiiqi kara sanadkan 4%, sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay.

Wadamada horumaray ayuu si toos ah u taaban doontaa hoos u dhacaasi dhaqaale, waxaase saameynta tabani gaari kartaa dalalka saboolka ah.

90 illaa 120-milyan oo ruux oo ku nool wadamada soo koraya ayaa ku biiri doona noloshada saboolnimada, taas oo ka dhigan in ku dhawaad 300 oo milyan oo ruux wajihi doonaan cunno yari.

War kale ee naxdinta leh ee lagu sheegay warbixinta QM ayaa ah in si kasta oo dowladaha caalamka dedaal u bixiyaan hadana inaan la gaari doonin soo kabo dhammeystiran.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan