Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiiiska kooxda Manchester United ayaa bartilmaamed ka dhiganeysa weeraryahanka Atletico Madrid iyo xulka France Antoine Griezmann si uu badal ugu noqdo kabtan Wayne Rooney.
Griezmann ayaa xasilay Spain iyadoo Red Devils ay u suuragali weysay iney xidigaan kasoo kaxeyso Vincent Calderon, balse haatan waxey mar kale doonayaan iney isku dayaan saxiixiisa 2017.
Wariyaha Bleacher Report Dean Jones ayaa ku waramay in Antoine Griezmann uu ku jiray liiska ciyaartoyda uu Jose Mourinho ka doonayay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagan.
Xidigii ugu fiicnaa koobka Euro 2016 ayaa la qorsheeyay inuu Zlatan, Bailly, Mkhitaryan iyo Pogba kula soo biiro Old Trafford, balse heshiiska cusub oo uu kooxdiisa u saxiixay ayaa wax walba hor istaagay.
Dhanka kale Wayne Rooney ayaa balaariyay mudada uu ciyaaraya kusii jirayo isagoo doonaya inuu sii ciyaaro ilaa koobka Aduunka 2018 ee lagu qaban doono Russia.
Bishii lasoo dhaafay ayuu Griezmann amaan ugu deeqay kooxda United isagoo leh: “United waa kooxda ugu waanaagsan oo uu Paul Pogba u ciyaari lahaa”
‘Manchester United waa koox igu wacan aniga, iyado Mourinho uu sameyn doono wax cusub” Ayuu yiri Antoine Griezmann.