Home / Cayaaro / Ururka Xiriirrada kubadda Cagta Adduunka oo laga dalbaday in ay beddelaan ciyaartoyda madaxa ka dhaawacanta ee Garoomada lagu hayo

Ururka Xiriirrada kubadda Cagta Adduunka oo laga dalbaday in ay beddelaan ciyaartoyda madaxa ka dhaawacanta ee Garoomada lagu hayo

Himilo – Ururka Xiriirrada Kubadda Cagta Adduunka ee  IFAB, ayaa sheegay in ay soo gaartay warqad furan oo ay ka heleen tabarayaasha kooxaha, ciyaartoyda hore iyo Ururka Dhaqaatiirta ciyaartooyda.

Warqadda ayaa lagu sheegay in sharciga hadda jira ee ciyaaryanka marka uu madaxa ka dhaawacmo inta maro lagu duubo kaddibna Garoonka lagu soo celiyo ay halis ku tahay caafimaadka maskaxdiisa.

Waxaa ay dalbadeen in marka ciyaaryahanka madaxa ka dhaawacmo la beddelo oo uusan Garoonka ku soo laaban ilaa uu ka helo daaweyn iyo fasax dhaqtar taas oo qaadan karta waqti kabadan inta ay ciyaarta socoto.

Ururka Xiriirrada Kubadda Cagta Adduunka ayaa Isniinta manta ah shirkoodii 136aad ee sanadlaha ahaa ku yeelanaya Caasimadda Waddanka Qadar ee Dooxa halkaas oo uu ka furmayo Bisha November ee sanadkan koobka kubadda Cagta Adduunka.

Haddii la beddelo shacriga hadda waxaa ay faa’iido weyn u tahay ciyaartooyda oo qaarkood markii Garoomada lagu soo celiyay jug kale ka gaartay maskaxda islamarkaana sababtay in ay ka fariistaan ciyaaraha xilli hore iyaga oo ka fakaraya noloshooda.

Qoysaskaciyaartoyda kala ah; Nobby Stiles, Dave Watson, Peter Bonetti, Frank Worthington iyo Rod Taylor ayaa taageeray soo jeedintan cusub maaddaama ay caafimaadka maskaxda ciyaartoyda mudnaanta siineyso.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan