Home / Habka-Nolosha / Van Gaal oo baday United inay cagta saarto waddadii xumeyd

Van Gaal oo baday United inay cagta saarto waddadii xumeyd

Jamie Carragher ayaa sheegtay in Manchester United ay cagta saartay waddo shalaw ah oo habeen gudcur ah uu bidhaansanayo macallin Louis van Gaal.

Red Devils ayaa ku hungowday hankeedii ahaa inay xagaagan ku dhameysato afarta sare kaddib jabkii kasoo gaaray kooxda Tottenham oo xalay saddex gool lix daqiiqo gudahood shabaqa ugu cabeysay markii White Hart Lane loogu soo martiyay.

Qaladaadka taageerayaasha u muuqan karay waxaa kamid ahaa in Ashley Young oo garbaha ka weerartama uu bedel qeybtii labaad ku soo galay si uu weerar toos ah ama lanbarka sagaalaad uga dheelo, mana aha boos uu xirfad u leeyahay inuu kubad ka howlgeliyo.

Imminka United waxay afar dhibcood ka hooseysaa kooxda booska afaraad, waa deriska qeyladda kooxda ay ugu yeeraan ee Mancheter City.

“Waxay u muuqataa inay tallaabooyin gadaal u qaadayaan.” Carragher ayaa sidaa yiri intii uu cayaarta ka falanqeynayay Sky Sports.”

“Louis Van Gaal boos ugama hayo kooxdan hadduusan afarta sare keenin. Manchester United waa koox aad u weyn marka loo fiirsho Tottenham, inkastoo iminka Tottenham ay tahay kooxda wanaagsan, Van Gaal ayaana ka hadlaya sida wanaagsan oo ay u dheeleen.” Carragher ayaa intaa ku weeraray maareeyaha United.”

United iminka waxaa horyaalka uga harsan lix kulan si ay isugu daydo in xagaaga danbe ay Champions League ka dheesho, laakiin halis ayay ugu jiraan inay tartankan u soo bixi waayaan markii labaad saddex sano gudahood.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan