Home / Habka-Nolosha / Van Persie oo u soo dhaqaaqi kara markale Premier League

Van Persie oo u soo dhaqaaqi kara markale Premier League

Kooxaha ka cayaara horyaalka Ingiriiska West Ham United iyo Crystal Palace ayaa lagu wadaa inay ku dagaalami doonaan saxiixa Robin van Persie oo ka tirsan kooxda Fenerbahce.

32 jirkaan reer Netherland ayaa waayihii Premier League waqtiyo qurux badan kusoo kala qaatay kooxaha Manchester United iyo Arsenal.

The Sun ayaa baahisay in kooxaha West Ham iyo Crystal Palace labaduba dalabyo ka gudbiyeen wiilkan kaddib markii ay ku hungoobeen saxiixii ay Chelsea ka afduubatay Michy Batshuayi.

Waxaa la tuhunsan yahay in Van Persie qudhiisu uu quuddareynayo ku soo laabashada Premier League, waxaana lagu heli karaa £4m waana lacag lamid ah tii 12 bil hortood looga soo kaxeystay Old Trafford.

Van Persie ayaana shabaqa dhex dhigay 16 gool kaddib 40 kulan uu xagaagii tegay u saftay kooxda Fenerbahce.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan