Jamie Vardy ayaa xalay goolka guusha u dhaliyay qarankiisa saddexda libaax oo 2-1 ku loogay dhigooda Turkiga oo kulan saaxiibtinimo ay ku dheeleen gegada Etihad Stadium.
Wiilasha macallin Roy Hodgson ayaa diyaar garow ugu jira inay bisha soo aadan iska xaadiriyaan cayaaraha qaramada qaaradda Yurub oo lagu qaban doono dalka Faransiiska.
Kulanka ugu soo horeeya Ingiriiska waxay Jimcaha la cayaari doonaan dhigooda Australia oo cayaar saaxiibtinimo ay ku balansan yihiin.
Cayaarta labada xul ayaana ka dhici doonta sida lasii qorsheeyay bugcadda Stadium of Light.
Tababare Hodgson ayaana baahiyay in kulankaa aanu heli doonin xulkiisu falsafadda geesiga Leicester Jamie Vardy oo aqal geli doona maallinta Arbacada.
Roy Hodgson ayaa xusay in xiddigaan 29 jirka ah uusan welwel ka qabin inuu kasii mid ahaanayo wiilasha uu Paris u kaxeysan doono, taana uu uga faa’ideysanayo in waqtigaan uu aqal galo.