Home / Cayaaro / Victor Lindelof “Aad ayaan ugu faraxsanahay Man United”

Victor Lindelof “Aad ayaan ugu faraxsanahay Man United”

Himilo – Daafaca Manchester United Victor Lindelof ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay inuu sii joogo kooxda Premier League.

24 jirkan ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo Old Trafford iyadoo Barcelona ay ka mid tahay kooxaha xiiseynaya saxiixiisa.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka ayaa beeniyay wararka la isla dhexmarayay wuxuuna yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan noqdo ciyaaryahan Manchester United ah, runtii waxaan eegayaa xilli ciyaareedkan.”

Tababaraha Red Devils Ole Gunnar Solskjaer ayaa durbadiiba xoojiyay daafaciisa isagoo la yimid Aaron Wan-Bissaka, waxaana sidoo kale lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Leicester City iyo England daafaca dambeedka dhexe Harry Maguire.

Lindelof ayaa haatan ku jira xulka United ee safarkooda isku diyaarinta xili ciyaareedka ku qaadanaya  Australia, waxaana la filayaa inuu la ciyaaro Leeds United kulanka berri.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan