Home / Habka-Nolosha / Virgil van Dijk, Ma tabi doontaa Netherland Kulanka Belgium-ka

Virgil van Dijk, Ma tabi doontaa Netherland Kulanka Belgium-ka

Muqdisho – Daafaca Liverpool Virgil van Dijk ayaa seegi doona kulanka saaxiibtinimo ee Netherlands ay la leeyihiin Belgium Talaadada, isaga oo la xanuunsanaya dhaawac kasoo gaaray feeraha.

Xiriirka kubadda cagta Dutch, ayaa sheegay in daafaca dhexe, 27 jirka ah, uu dhaawac ka soo gaaray kulankii Liverpool ee Premier League ay ka badiyeen Southampton  22 September.

Van Dijk ayaa dhaliyay goolka furitaanka markii Holland ay 3-0 kaga badisay Germany sabtidii Tartanka Uefa Nation league.

Reds weeraryahankeeda Mohamed Salah, ayaa isna ka tagay xulka Masar sabtida kaddib markii uu dhaawac muruqa ah soo gaaray, waana caqabad soo wajaheysa kooxda Liverpool oo 20 Oktoobar la ciyaari doonta Huddersfield maalinta Sabtida.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan