Home / Habka-Nolosha / Waa halka loo tiiranayo hoos u dhaca daawashada kubadda cagta dalkeenna

Waa halka loo tiiranayo hoos u dhaca daawashada kubadda cagta dalkeenna

Muqdisho – Kubadda cagta waa mid kamid ah noocyada cayaaraha ee sida weyn  loo xiiseeyo, dadka jecel kubadda cagta ayaa lagu sheegaa 4 billion oo ruux marka loo eego dadka kunool dacallada dunida oo lagu qiyaaso 7.3 billion, taasi oo ku tusineysa in kubadda cagta xiisaheeda keliya halkaan lagu iftiimin karin balse daah ma saarna in si weyn loo daneeyo.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay dalalka sida weyn loogu ixtiraamo,waxaa la sheegaa in kubadda cagta kahor xornimada loo ciyaari jirey hab ku saleysan qabiil, laakiin markii uu yimid ururkii xornima doonka S.Y.L waxa uu u bedelay aragti kale oo ah in farac kasta oo kamid ah ururka Leegada loo qabto tartamo, tusaale magaalooyinka ay gacanta ku hayaan in laga qaban qaabiyo kulamo ay ciyaaraan taasi oo ku tusineysa xiisaha ay Soomaalidu u heyso ciyaarista kubadda cagta.

Kaddib markii aan xornimada qaadanay sanadkii 1960, waxa uu kobac ku yimid xiisaha loo qabo kubadda cagta, markii uu dhashay kacaankii 1969, waxa uu gaaray heerkii ugu sarreeyay maadama xilligaasi kooxuhu ay hoos imaan jireen hay’adaha kala duwan ee dowladda, kooxiihii xilligaasi dhisnaa waxaa kamid ah: Horseed, Jeenyo, Minishiibiyo, Waxool, Madbacadda, Batroolka, Badda, Fiat, Otabaarko (Gaadiidka), iyo Isnaay Biyaaso, taasi oo ka imaan jirtay magaalada Jowhar. Hadda kooxaha qaar magacyadoodii dib baa loo soo nooleeyay qaarna waxaad mooddaa in laga gaabiyey soo nooleentooda sababtii ay doonto haku timaadee.

Hadda kubadda cagta Soomaaliya waxa ay ku socotaa si qurux badan oo waxaa lagu cayaaraa garoomo ka sameysan cooska macmalka ah oo ku wanaagsan in lagu cayaaro, tusaale ahaan magaalada Muqdisho oo ah xudunta koowaad ee dalka waxaa ku yaala garoomo badan oo lagu cayaaro kubadda cagta sida garoomada yaryar ee loo yaqaano Salaxa oo qaarkood lagu goglay roog, sidoo kale caasimadda waxa ay qaabishay garoomada ugu waaweyn ee dalka sida Muqdisho Stadium iyo Banaadir ama Koonis waxaase u dheer garoonka Jaamacadaha oo sanadihii lasoo dhaafay aad loo adeegsaday.

Dabcan iyada oo ay ku yaallaan goobahaas aan soo sheegnay haddana daawashada iyo xiisaha waxaad mooddaa in ay aad ugu hooseeyaan sidii uu  beri  ahaan jirey oo aheyd  in shattiga kulamada la iibsado maalmo kahor kulanka.

Magaalada Muqdihso waxa lagu cayaaraa horyaalka dalka, koobka General Daa’uud, kan degmooyinka iyo kuwa kale, kuwaas oo dhammaantood si hoose marka loo eego isku muuqaal dhaw dhanka taageerayaasha soo xaadiraya kulamada.

Ogaanshiyahayga hoos u dhaca kaddib waxaan la kulmay laacibiin hore, kuwa aan weli kabaha dhigin, macalimiin iyo mas’uuliyiin, kuwaas oo ii sheegay in liidashada daawashada kubadda cagta lagu eedeyn karo ma’uuliyiinta kooxaha oo iyagu in ay mushaar siiyaan iskaba daaye aan ka warqabin sida uu xaalkoodu yahay cayaryahanada iyo shaqaalaha kala duwan ee kooxda u diiwaan gashan. Kooxaha qaar ee dalka waxay hoos tagaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, halka kuwa kalena ay maamulaan shaqsiyaad gaar ah.

Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska ( Kooxda Jeenyo).

Wasaaradda batroolka iyo macdanta (Kooxda  Batroolka).

Wasaaradda xanaanada xoolaha (Kooxda Waxool ).

Wasaaradda warfaahinta dhaqanka iyo dalxiiska ( kooxda Madbacadda )

Wasaaradda gaadiidka badda iyo dekadaha ( Kooxda Dekadda Ex Badda).

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ( Gaadiidka Ex Otabaarko).

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ( Kooxda Horseed )

Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ( Kooxda Heegan).

Caadiyan sida aan qiyaasan karno marka ay dowladi ku maalgelineyso waa ay ka wanaagsan tahay marka shaqsi uu ku qarash gareynayo, laakiin hadda waxaad indhahaaga ku arkeysaa in taasi aysan jirin oo shaqsiyaadka sida gaarka kooxaha u maamula ay ka wax qabad badan yihiin kooxaha kale ee hey’adaha dowladda hoos yimaada. Ka gaabiska hey’adahaan iyo hoos u dhaca daawashada waxaa tusaalle dhow kuugu filan in kooxdii ugu taageerayaasha badneyd ee Jeenyo ay ka tageen laacibiintii ugu wanaagsaneyd oo ay kooxi leedahay, kooxda Jeenyana ay qaarka u fuushay in dhaqaalo xumo darteed ay u burburto, taas oo ugu danbeyn sababtay in labada garoon ee Koonis iyo Jaamacadaha lumiyaan jamaahiirtii quruxda badnaa ee Jeenyo usoo xaadiri jiray.

Bal qiyaas koox hoos timaada wasaarad oo ay ciyaatoyda u diiwaan gashan aysan mushaar qaadan,  keliya qado ahaan loo siiyo $10 kulanka markaa u jira, waxaa u dheer ineysan jirin xarumo u gaar ah oo ay ku qaataan tababarada iyo wax waliba oo ay ciyaartoydu sare ugu qaadi lahaayeen xirfadooda kubadeed. tusaale qaar kamid ah xiddigihii barisamaadka ee xulka qaranka Soomaaliya oo aan la sheekeystay waxay ii sheegeen in ay ka lacag badnaayeen shaqaalaha dowladda, sidoo kalena ay u dhameytirnaayeen agab waliba oo ciyaartoyda muhiim u ah, sida garoomo, xarumo jirdhis iyo mushaar joogta ah.

Rug caddaa Sport ayaa mar ila wadaagay in talo ahaan ay la wanaagsantahay in koox weliba loo sameeyo garoon u gaar ah, xarun jirdhis, mushaar joogta ah  iyo in naadi weliba gawaari loogu tala galay taageerayaasha laga gacan siiyo si loo dhiirregeliyo taageerayaasha – garoomadana u camirmaan. Koox welibana amar lagu siiyo in ay soo gudbiso liiska taageerayaasha u diiwaan gashan kooxda. si mar kale loo soo celiyo xiisihii iyo xamaasaddii cayaaraha dalka.

Qore: Mohamed Hassan Mohamed  Owen

 

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan