Home / Aragtida Islamka / Waa imisa lacagta Zako ahaan ay u bixiyaan muslimiinta caalam-ku sanadkiiba?

Waa imisa lacagta Zako ahaan ay u bixiyaan muslimiinta caalam-ku sanadkiiba?

Bangiga Aduunka ayaa shaaciye dhaqaalaha ka soo xarooda lacagaha zakada oo ay bixiyaan muslimiinta caalam-ku.
Sanadba, sanadka ka dambeeya waxaa sii badanaya dhaqaalaha ay bixinayaan muslimiinta caalam-ku marka lagaaro bisha Zakada.
Zakadu waa tiirka saddexaad oo uu islaamku ku dhisan yahay. Al Zakaatu waa eray Carabi ah macnihiisuna yahay “Kordhin, badasho”, oo maalka laga bixiyay badisaa, kana ilaalisaa naaqusid inay dhibaato gaarto iyo baa’ba’.
Soomaalidu, way wayneeyaan zakada oo bil dhan ayay ku magacaabeen oo yiraahdeen ‘Bisha Zako” sigaar ah dadka alle ayaa bishan hantidooda wax ka bixiya.
Daraasada uu sameeye bangiga aduunka waxaa lagu ogaaday in muslimiinta caalamku zako ahaan ay u bixiyaan sanadkasta lacag gaareysa 480BL oo doller.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan