Home / Habka-Nolosha / Waa kee laacibka ay Arsenal ka xiiseeneyso kooxda Chelsea?

Waa kee laacibka ay Arsenal ka xiiseeneyso kooxda Chelsea?

Muqdisho – Ruben Loftus-Cheek ayaa doonaya inuu ka tago Chelsea bisha Janaayo si uu dib ugu soo nooleeyo xirfadiisa ciyaareed.

Ka dib markii uu si cajiib ah amaah ugu soo qaatay Crystal Palace xilli ciyaareedkii hore, 22 jirkaan ayaa qeyb ka ahaa xulka England ee Koobka Aduunka, waxaana uu u muuqday inuu dhameystirayo in uu boos ka helayo Stamford Bridge.

Arsenal, Everton iyo Crystal Palace ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan saxiixa 22 sanno jirka, si amaah ah

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ku soo bilowday keliya xilli ciyaareedkan Europa League, waxaana uu sidoo kale waayay booskiisa seddexda libaax.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, Loftus-Cheek ayaa  qabo rajo ah in ku dagaalamo booskiisa koowaad ee kooxda,waxaana uu ku qanacsan yahay inuu iska sii joogo naadiga.

Tababaraha Palace Roy Hodgson ayaa durbadiiba muujiyay rabitaan ah in uu dib ula saxiixo xiddigaan qadka dhexe, halka leyliyaha Everton Marco Silva uu ku rajo weyn yahay inuu biiriyo xiddigaha khadka dhexe.

Arsenal ayaa sidoo kale xiiseyneysa in ay xiddigan London ku sii hayso. Hase yeeshee, tani waxay kuxirantahay waktiga uu Aaron Ramsey go’aansado inuu baxayo.

Layliye Sarri oo kahadlaya laacibkaan ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa inuu u baahan yahay inuu horumar ka sameeyo xeeladdiisa ciyaareed.”

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan