Muqdisho – Kooxda Blues ayaa maalmihii lasoo dhaafay, suuqa ka baadi goobaysay xiddig ka ciyaara weerarka, maadaama ay kooxdu ka cabsi qabto in ay lumiso Eden Hazard.
Kabtanka Belgium, Eden Hazard ayaa xiisa waali ah kahelaya kooxda kadhisan La Liga ee Real Madrid, taas oo doonaysa in ay xidigan usoo qaadato beddelka Cristiano Ronaldo.
Jariiradda Daily Mirror ayaa daabacday in Chelsea ay isha ku hayso saxiixa xiddiga weerarka kaga ciyaara Bournemouth ee Callum Wilson, maadaama uu qaab ciyaareed soo jiidasho leh ku biloowday ololahan.
Laacibka Wilson ayaa kamid ah xiddigaha ugu xirfadda badan ee ka ciyaara Premier League,wuxuuna qeyb ka yahay xidigaha ugu muuhiimsan ee ay haysato Bournemouth.
Kooxda Chelsea ayaa u aragta xiddiga ka caawin kara Blues in ay meela wacan ka gaarto horryaalka ee EPL iyo koobabka kale ee ay ka qayb galayso.