Home / Dhaqaale / Waa kuma bilyineerka hantidiisu kor u dhaaftay $200 oo bilyan?

Waa kuma bilyineerka hantidiisu kor u dhaaftay $200 oo bilyan?

Himilo – Shaqsiga adduunka ugu qannisan ee Jeff Bezos ayaa taariikh cusub ka dhigay dhanka ganacsiga, horraantii Arbacadii shalay waxa ay hantida shaqsigan noqotay mid sarreysa oo waliba aan horey loo arag 40-kii sanno ee lasoo dhaafay marka loo eego xogta ay aruuriso majaladda dhaqaalaha werisa ee Forbes.

Saamiga shirkadda Amazon ayaa kor u kacay 2% galabnimadii Arbacada, waxaana hantida Bezos ay markaa kor u kacday $4.9 billion, wuxuuna 56-jirkaan noqday qofkii ugu horreeyay oo ay hantidiisu ka sara marto $200 billion.

Aasaasaha iyo madaxa Amazon, hantidiisu waxa ay hadda tahay $204.6 billion, ku dhawaad $90 billion ayuu ka sarreeyaa shaqsiga labaad ee taajirsan dunida Bill Gates kaasi oo ay hantidiisu tahay $116.1 billion.

Dhalqaaha Bezos ayaa sannadihii ugu danbeeyay waxa uu noqday mid kobcaya, isaga oo noqday ninka ugu taajirsan adduunka 2018 markii hantidiisa shaqsiyadeed ay kor u dhaaftay $ 150 billion. Wuxuu markii ugu horreysay noqday ninka adduunka ugu qanisan sannadkii 2017.

Saamiyada shirkadda Amazon ayaa si aan filasho laheyn kor u kacday bishii April, kaddib markii ay kordheen dalabaadka ka imaanaya macaamiisha, hantida Amazon ayaa hadda ah $ 1.7 trillion waana shirkadda labaad ee Mareykan ee heysata qiimaha ugu badan waxaana keliya ka horreysa Apple oo iyaduna heysata $2 trillion.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan